DEG DEG: Diyaarad sida R/wasaare Kheyre oo Goordhow ka degtay Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo.

Waxaa sidoo kale Magaalada Baydhabo kusii jeedda qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda.

You might also like More from author