DEG DEG: Dilal ka dhacay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay dilal ka geystay degmooyinka Hodan iyo Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Dilka koowaad ayaa ka dhacay Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan, kadib markii dabley hubaysan  ay toogteen  nin Gudoomiye Waaxeed ka ahaa degmada Hodan.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ammaanka oo howlgallo ka sameeyay.

Dilka Labaad ayaa ka dhacay Degmada Boondheere, gaar ahaan Waaxda Yuusuf Kowneyn waxaana xalay halkaasi lagu weeraray Sarkaal ka tirsan ciidamada Militariga Somaliya, waxaana soo gaaray dhaawac.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kordhay Weerarada ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author