DEG DEG: Dagaalyahanada Shabaab oo la wareegay Deegaan muhiim ah

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay saldhig ku lahaayeen ciidamada dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu muddo socday, isla markaana labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar lagu qoray baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay la wareegeen deegaanka Golweyn, ayna khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda.

Hase ahaatee Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa beeniyay in laga qabsaday deegaankaas.

Waxaa uu sheegay inay iska difaaceen weerarkaas, isla markaana dhanka Al-Shabaab ay uga fureen qori Ak47 ah sida uu yiri.

Deegaanka Golweyn ayaa ku taala meel istiraatiiji ah oo sahayda u marta Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmooyinka Buulo Mareer iyo Marka.

You might also like More from author