DEG DEG: Dagaalyahanada Al-shabaab oo Weerar ku qaaday dalka Mozambique

30 nin oo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Saddex Saldhig ay leeyihiin ciidamada Booliska dalka Mozambique .

Sida ay xaqiijiyeen Ciidamada Booliska dalkaasi xubnahaasi ayaa looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa sheegay in dagaal dhexmaray ciidamada iyo Kooxda hubeysan ay ku dhinteen 16 qof.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Mocímboa da Praia oo ku taalla xadka u dhaxeeya dalalka Mozambique iyo Tansania.

Ragga hubeysan ayaa ku hadlaayay Saddex Luqadooda sidda Kiwali oo ah luqadda looga hadlo degmadaasi ,Portuguese iyo Swahilin sida ay xaqiijiyeen dadkii la kulmay Kooxdaasi.

Dowladda Mozambique ayaa xaqiiisay in kooxdaasi ay xiriir toos ah ay la leedahay Al-Shabaabka ka dagaallama Soomaaliya.

You might also like More from author