DEG-DEG:-Dagaal Xooggan oo ka qarxay Mgaalada Guriceel.

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa wararka ka imaanaya aya sheegayan  in dagaal xoogan  oo u dhaxeeyo Ciidamo ka kala tirsan Dowlada Soomaaliya  iyo kuwa ciidanka Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidamo ka tirsan  Ahlu Sunna uu  ka bilowday halkaasi.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta Xamar Post  u sheegay in  dhinac yadu ay isku adeegsanayaan hub culus iyo kuwa fudud, isla markaana uu  dagaalku yahay mid culus  oo xoogiisu uu ka socdo dhanka Koofureed ee magaalada.

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo iskaashanaya ayaa magaalada Guriceel isku hareereeyay, iyagoo qabsaday barihii Kontorool ee magaaladaasi.

lama oga ilaa hataan qasaaraha dhabta ah ee uu Dagaalku sababay walow ay jiraan qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac leh.

W/Q: Mohamed Yahye Jinow

You might also like More from author