DEG DEG:- Dagaal qaboow oo ka dhabay Barta Facebook ee Sntv iyoTelefishinka Dowladda oo kasoo jawaabay jahwareerintii ay sameysay Villa Somalia.

Qoraal lagu daabacay Bogga Telefishinka ayaa lagu cadeeyay cida abaabushay qorshaha la doonayay in lagu sumcad dilo Tvga Dowladda oo ay soo abaabuleyn bahda Warfaafinta Villa Somalia.

Halkan hoose ka akhriso jawaabta SNTV:-

Maamulka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Wuxuu caddeynayaa in Khudbaddii Madaxweynaha ee xalay ay na soo gaartay goor dambe, isla markii ay na soo gaartayna aannu soo gelinay TV-ga.

Daahista khudbaddu waxa ay ka timi xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo meelo kale ku horreysiiyey, Sidoo kale ma jirto taageeryaaal (followers) ka laabtay page-ka SNTV, waxa na follow gareeyay 1.2 million oo qof waana sidoodii. Sidoo kale waxa SNTV jecel ama like siiyey 762 kun oo qof oo Reer Facebook ah.

Beeni raaad maleh.

Waad mahadsan tihiin

Sharmarke Maxamed Warsame
Agaasimaha SNTV1 iyo SNTV2

You might also like More from author