DEG DEG: Dadkii lagu laayay Weerarkii Bariire oo la diiday in la aaso

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ay ka soo jeedaan dadkii lagu laayay deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen Magaalada Muqdisho waxay sheegeen in aan la aasi doonin dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay gobalka Shabeelaha Hoose ilaa ay Dowladda Soomaaliya jawaab cad ay ka bixiso sababta loo dilay shacabkaasi beeralayda ahaa.

Odayaasha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin cadeymo muujinayo in dadkaan ay Al-shabaab ay ahaayeen maadaama ay wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya sheegtay in dadka la dilay ay ahaayeen Shabaab.

Mas’uuliyadda dadka lagu laayay Bariire ayay dusha kaga tuureen 80% Dowlada Soomaaliya halka inta kalane ay sheegeen in ay qaadan doonto Dowladda Maraykanka ee Howlgalkaan qeyb ka aheyd.

Dowladda ayaa hadalo kala duwan ka soo saartay dadkii lagu laayay gobalka Shabeelaha Hoose wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya waxay sheegeen in dadka la dilay ay ahaayeen Al-shabaab halka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeey Shacabkii la dilay amarna ku bixiyay in la baaro.

You might also like More from author