DEG DEG: Daacish oo War lama filaan ah ka soo saartay Weerar uu Geystay Wiil Somali ah

Dagaalyahanadda Labaxay Khilaafadda Islaamka ee Daacish yaa sheegtay Masuuliyadda Weerar Wiil Soomaaliyeed uu ka geystay Magaaladda Brussels ee Wadanka Belgium-ka.

Ninka Fuliyay weerarka ay Daacish sheegteen Da’adiisu waxaa ay aheyd 30 Sano waxaana uu Tooreey ku Weeraray Ciidamo Dhoolutus kusameeynayay Bartamaha  Magaaladda Brussels, Habeenkii Jimcihii, Ciidamadii uu weeraray ayaa Toogtay waxaana ugu Dambeeyntii u dhintay dhaawac Soo gaaray.

War lagu qoray Baraha lagu faafiyo ISIS ee Amaq news  ayaa lagu sheegay in Nin ka weerar-ka ka geystay Brussels uu ahaa Askari ka tirsan Ciidamadooda, islamarkaana uu qaaday weerar Jawaab u ah midka ay Geystaan Xulifadda uu Mareeykanku Hugaamiyo.

Dagaalyahanaadda Daacish ma aysan Shaacin Magaca Nin ka weerarka geeystay.

Laamaha Amaanka ee Brussels ayaa sheegay in Ninkaan oo Asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya uu ku dhawaaqay “Allahu Akbar” Markii uu weerarka Qaadayay.

You might also like More from author