DEG DEG:- Ciidanka dowladda oo u baxsaday Kenya iyo Al-shabab oo la wareegay Ceelwaaq

Ciidamo ka tirsan Xarakada AL-shabaab ayaa saak dagaal kula wareegay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,iyada oo Ciidamad dowladda ee ku sugnaa Magaalada ay u baxsadeen dhinaca dalka Kenya.

Al-shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar ku qaaday Ceelwaaq,waxaana jira warar sheegaya in Ciidamada Al-shabaab markii ay qabsadeen Magaalada ay bur buriyeen Xarunta degmada iyo Saldhigga Booliska ee Ceelwaaq.

Miinooyin ayaa la sheegayaa in ay ku xir xireen dhismaha maamulka iyo Sladhigga kaddibna sidaas ku qarxiyeen,iyada oo gabi ahaan dhulka la dhigay dhismayaashii.

Warar hadda naga soo gaaraya Ceelwaaqna waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab markii ay dib ula wareegeen Magaalada ay isugu yeereen dadka degaanka iyaga oo Khudbad u jeediyay.

Ciidamad dowladda ayaa u baxsaday dhnaca dalka Kenya,iyada oo kuwo kalena ay dhinaca Itoobiya aadeen sida ay wararku sheegayaan.

Al-shabaab ayaa todobaadkii hore dagaal kula wareegay magaalada Baladxaawo inkasta oo ay saacado kaddib isaga tageen,waxaana Magaaladaas hadda ku sugan Madaxweynah jubaland Axmed Madoobe iyo Afdi uu hoggaaminayo.

You might also like More from author