DEG DEG: Ciidamo la Wareegay Xarun lagu sameynayay Maamul ka dhan ah Hirshabelle

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay xarun shir uga socday odayaal doonayay in ay dhisaan maamulka dhawaan looga dhawaaqay gobolka Hiiraan.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada ay xireen Baarka lagu magacaabo Xasan dhiif oo ay ku shiri jireen Odayaasha waday ololaha maamulka Hiiraanland.

Ciidamada ayaa sheegay in sidoo kale dadka kunool Magaalada Baledweyne ay uga digeen in Magaalada lagu qabto shirar uusan ogeyn maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynihii xildhibaanada Hirshabeelle ay xilka ka qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Magaalada Baledweyne kaga dhawaaqay maamulka loogu magacdaray Hiiraanland oo ka madax banaan Hirshabelle.

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeedo gobolka Hiiraan ayaa arintaasi taageeray.

You might also like More from author