DEG DEG: Ciidamo heegan loo geliyay dagaalka ka dhanka ah Shabaab

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen in ay heegan ugu jiraan sidii ay u qaadi lahaayeen dagaalka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka siyaasadda iyo ammaanka degmada Bardaale Cali Cadow Isaaq ayaa sheegay kulamadii ugu dambeeyay ee ay la qaateen saraakiisha Ciidanka Itoobiya in looga hadlay sidi loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Wuxuu kaloo sheegay Guddoomiyaha dagaalkan inuu ka duwanaan doono kuwii hore, wuxuuna tilmaamay Ciidamada degaan walba oo ay la wareegaan in ay ka sameysan doonaan saldhigyo difaacyo ay ku galaan.

Degmada Bardaale ayaa magaalada Baydhabo waxay u jirtaa 60-KM, waxaana lagu tiriyaa degmooyinka ugu amni wanaagsan ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

You might also like More from author