DEG DEG: Banaanbax Xoogan oo ka socda Magaalada Kismaayo

Banaanbax looga soo horjeedo Qaraxii lagu Xasuuqay Dadka Shacabka ah ee ka dhacay Sabtidii la soo dhaafay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho islamarkaana loogu duceynayo Dadkii dhintay iyo kuwa Dhaawaca ah ayaa hadda ka bilowday Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Boqolaal Shacab ah ayaa isugu soo baxay Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo,waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ay ka qeyb galaan oo ay Qudbad ka jeediyaan.

Waxaa sidoo kale la xiray Goobaha Ganacsiga iyo Iskuulada,iyadoo dadku ay yihiin kuwo dareenkooda ka muujinaya Falkii Foosha Xumaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author