DEG DEG: Banaanbax ka dhan Dhacdadii Bariire oo socda & Goobaha Ganacsi oo la xiray

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in guud ahaan Maanta Goobihii Ganacsi ee Magaaladaas ay xiran yihiin.

Dadweyne farabadan oo ka banaanbaxaya weerarkii shalay aroortii hore lagu dilay 10 ruux ee ka dhacady duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadweynahaan ayaa sakay gebi ahaanba xiray wadooyinka qaar ee Afgooye Goobihii Ganacsiga iyo waxbarashada intaba.

Xaalada Afgooye ayaa Maanta ah mid kacsan,waxana laga dareemayaa Maalintii labaad banaanbax ay dhigayaan Shacabka ay uga soo horjeedan weerarkii dadka Shacabka ahaa lagu dilay ee Bariire.

 

You might also like More from author