DEG DEG:- Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo qof shacab ahaa ku toogtay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa goor dhaw oo duhurkan ah wuxuu isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ku dilay nin shacab ahaa oo watay gaari PRADO ah.

Toogashada ninkan ayaa ka dambeysay kadib markii askariga oo doonayay inuu wadada u furo gaari Ambulance ah uu furay rasaasta haleeshay marxuumka geeriyooday.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen ninka geeriyooday inay rasaasta kaga dhacday madaxa, taasi oo sababtay inuu goobta ku geeriyoodo.

Dad shacab ah iyo qaar ka tirsan ehelada ninka geeriyooday ayaa qaaday Meydka, waxayna geeyeen xarunta CID-da.

Ciidanka ammaanka ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geystay oo doonayay inuu goobta ka baxsado.

Ciidanka dowladda ayaa inta badan dhibaato u geysta dadka shacabka ah, iyada oo badanaa aysan dhicin in gacanta lagu soo dhigo.

You might also like More from author