DEG DEG: 3 ka mid ah Ragii weeraray Hotelka Naasa Hablood 2 oo la qabtay

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen 3 ka mid ah raggii Weeraray Hoteelka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan raggaasi,islamarkaana ay ku waddaan baaritaano.

Cabdicasiis Xildhibaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale tilmaamay in ragga Weerarka soo qaaday ay gaarayeen 5, labo ka mid ahna la toogtay.

Waxaa uu xusay in wali ay socdaan howlaha badbaadinta,islamarkaana xalay lasoo badbaadiyay Shacab iyo Mas’uuliyiin.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.

You might also like More from author