Dawladnimo maxaa noo diidan?

Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxyaabihii sababay dib ugu laaban mayno oo dadka badankii way usoo taagnaayeen, dhalinta soo koraysana dhag ka maqal & dheehashada taariikhda dhigan kuma yara.

Balse ummadda Soomaaliyeed waxaysa wali is waydiinin, dawladnimo maxaa noo diidan? Doc walba kolka aad ka eegto, haddana aad dhagaysato dareenka shacabku ay qabaan & hal-beega dadka qaarkii ay wax ku cabirayaan, waloow la odhan way jiraan sababo badan oo dawladnimo noo diidan, haddana waxaa kuusoo baxaya inay jiraan laba sababood oo asal u ah sal-dhigasho la’aanta dawlad Soomaaliyeed. Waa mid’e, gumaytayaashii dalkeena qabsaday, ummaddu iyada oo aan bislaanin, si fiicanna u dareemin xanuunka & dhibaatada uu gumaysigu leeyahay, ayay dawladnimada nagu wareejiyeen. Taasi waxay sababtay in ummaddeenu aysan lahayn dareen waddaniyadeed, walina aysan garanin qiimaha uu leeyahay lahaanshaha dhulka. Duruufta dhaqaale & dagaalada sokeeye ee ina baday in dalal shisheeye aan u haajirno ka sokoow, inayna garanin lahaanshaha dalkeena waxaa daliil cad kuugu filan, ma jiro dad aan Soomaali ahayn oo dalkoodii oo burbursan dabaqyo ka dhistay dalal shisheeye, waliba gaar ahaan kuwa dawladnimadeena diidan ee dalkeenu ka dagi la’yahay. Midda labaad waxaa la odhan karaa, in dawlad Soomaaliyeed oo dadku ku wada kalsoonyahay la helo waxaa ka horeeya in la helo Dib-u-heshiisiin dhab ah. Tal & xilligii ay dhaceen dagaaladii sokeeye ee lagu riiqday waxaa yaraa in lagu dhaqaaqo qorshe taaba-gal ah oo dib loogu heshiisiinayo ummadda soomaaliyeed ee kala irdhowday. Iskudayo kale duwan ayaa jiray laakiin waxaa ka muuqatay intooda badan inay ka madhnayd dhabnimo iyo aragti-wadaag. Taasi waxay keentay in tallaabooyinkaas oo dhami ku ibo-martaan natiijo la’aan islamar ahaantaana waxay budo caydhiin kusii dareen quustii ummaddu ka qaaday tallaabooyinkaas. Su’aasha maanta taagan ayaa weli ah sidee ayaynu ku heli karnaa dib-u-heshiisiin dhab ah oo la isugu laab-xaadho ummadda? si loogu gudbo qorshe lagu yagleelayo hiigsiga ummadda iyo himilada fog ee aynu leenahay.Waxay ila tahay in dib-u-heeshiisiin dhab ahi ku imaan karto kolka la helo qiraal iyo garawshiiyo labadaba. Waa in la helaa qirasho ka timaadda dadkii soomaaliyeed guud ahaantood, gaar ahaan inta kolkaa lagu godayo farta ee loo aanaynayo inay faraha si qumaati ah ugula jireen dhibka dhacay. Guntii & gunaanadkii waxaan is leeyahay, waxii dadku isku dulmiyay, lana isku dilay ee ahaa (qabiilka & qabyaaladda) oo aysan ummadda Soomaaliyeed wali si dhab ah uga heshiisinin, ku dhaqankeediina uu wali si aad ah bulshada uga dhex muuqdo, ayaa sabab u ah, in dadku dawladnimada ay ka aamin baxaan, waayo had & goor waxaa jira dareen & cabsi weyn oo ah in koox magac dawladeed huwan, ay koox kale magacaa dawladeen ku wax-yeeleeyaan, waxaana hubaal ah oo aan la inkiri karin kol walba inay jireen, walina ay jiraan astaamo loo qaateen ah oo dadka qaarkii cabsi galin kara . Haddaba su,aasha is waydiinta mudan ayaa ah, maxaa dib-u-heeshiisiin hor taagan?

QR/Axmed Maxamed Xasan 11/4-2019

You might also like More from author