Dawlada Soomaaliya oo baaq deg deg ah kasoo saartay Arinta..

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa Baaq Nabadeed Kasoo Saartay dagaal beeleed kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan Ee Bartamaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dawlada Soomaaliya ayaa lagu yiri:

“Wasaaradu waxay baaq nabadeed u diraysaa beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu ku dhexmartay qaybo ka tirsan Degmada Beladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Waxay  Wasaaraddu ku boorrinaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimaa-udiinka, Ganacsatada, Dhallinyarada, Ururrada Haweenka iyo Waxgaradka in ay kala shaqeeyaan Masuuliyiinta ka socda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle joojinta dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah.

Ugu Dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay ku boorrinaysaa labada beelood ee walaalaha ah oo ay dirirtu dhxemartay joojinta dagaalka.

You might also like More from author