Danjire Yusuf Dheeg Oo Ka Hor Yimid Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay Diidayna In Uu Xilka Wareejiyo

Danjire Yusuf dheeg ayaa wacad ku maray in uu carqaladeyo xiriirka Dawlada Farmaajo iyo qeyre ay la leeyihiin dalka shiinaha china, isla markaana uu u olooleeyo danaha Somaliland uu hada madaxweyne ka ayahay saxiibkii Muuse Biixi, Danjire Yussuf hassan Ibraahim (Yusuf dheeg) asaga oo adeegsanayo dhaqaalaha iyo xafiiska saafarada Soomaaliya ee dalka shiinaha, uu si bareer cad u cadeeyey inuu amarkii la faray u qaadaco, taa oo ahayd inuu dalka ku soo noqdo dalka bishii December 2017.

Danjire yusuf dheeg ayaa wuxuu ka mid ahaa sideed danjire oo sanadkii hore November 2017ka dib loogu yeeray, laguna faray in ay dalkau soo galaan, dhamaan 7da danjire oo la midka ahaa dalka ayeey ku soo noqdeen , kuwa oo kala ah
1. Danjire Cabdulqaadir Shiqeey Maxamed Cimaaradka UAE
2. Danjire Cabdulqaadir Amiin Sh-AbubakarKuwait
3. Danjire Cabdiraxmaan Cabdi xuseen Djibouti
4. Danjire Cumar Sh. Cali Idiris Qatar
5. Danjire Maxamed Cabdi Ugaas Sudan
6. Danjire Sayid Axmed Sheekh Uganda
7. Danjire Maxamed Xasan Dewaare Zambiya

Dhamaan Saafirada kor ku xusan ayaa dalka ku soo wada noqday, Danjire yusuf dheeg waa uu diiday in uu ku soo noqdo dalka Soomaaliya isla markaana uu xilka Ku wareejiya diblomasiyiinta safaaradda , wuxuuna wacad ku maray Danjire Yusuf dheeg inuu u ka shaqeeyo habkii uu ku wiiqi lahaa xiriirka Somalia iyo dalka shiinaha (China).
Danjire Yusuf dheeg ayaa ka mid ahaa diblomasiyinta ugu magaca weyn ee soomaaliyeed ee hada nool, waxaa uu noqday wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya sanadkii 2000, hadana waxaa u noqday markale wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya sanadka 2009-2010, Danjire Yusuf ayaa waxaa uu danjire ka noqday dalal badan oo ay ka mid yihiin sudan Zambia iyo Cuba, ee laba goor oo uu noqday safiirka soomaaliye ee dalka shiinaha. Danjire yusuf dheeg ayaa ahaa shaqsi ay qaranka soomaaliya ku faanto, lakiin asaga oo dadiiso hada dhaafty 80 jir isla markaana, dhagaha aad uga cuslaadey ayaa waxaa loo badinayaa in ay hada ku weynaatey xaalada soomaaliland oo uu markaan aad u tageersanyahay.
Dawlada Soomaaliya iyo shiinaha ayaa ka walwalsan habkii ay u maareyn lahayeen caqabadaha danjiraha, waxaa uu danjiraha doonayaa in safaaradda soomaaliya ay shaqeyn waydo isa markaana uu baajiyo dhamaan shirarka madaxda soomaaliya ay ku imaan lahayeen dalka shiinaha , madaxweyna yaasha afrika uu ku jiro madaxweyne farmaajo ayaa bisha october laga casumay china, wasiirka arrimaha dibadda soomaaliyana waxaa laga casuumay bisha august, danjire yusuf dheeg ayaa dadaal ugu jiro inuu madaxda kaa baajiyo dhamaan shirarka ay u imaan laheyeen dalka shiinaha.
sido kale danjire yusuf dheeg ayaa warqad codsi ay somaliland safaarad uga furanayso china u gudbiyey dawlada china, isla markaana waxaa uu doonayaa in shirka china-arab ee ka dhexeya dawlada shiinaha iyo dalalka carabta ku iclaamiyo in somaliya ay ku qaldaneyd DPworld go’aanka ay ka qateen iyo siyaasadda dhexdhexaadka.
Danjire Yusuf ayaa dagaal ka go’an dawlada ku qaadey ka dib marki ay xil ka qadis ku sameeyeen dawlada soomaaliye, yusuf dheeg waxaa uu diiday in uu ka amar qaato wasaaradda arrimaha dibadda isla markaana u diiday in u xilka in uu dhiibo.

Xilqaadis Safiiro 2
Xilqaadis Safiiro 2

You might also like More from author