Danjire James Swan Oo U Hanjabay Saamileyda Soomaalida

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay xaaladdihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya, sida doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka

Ergeyga ayaa xusey sida muranka mudada sanadka ku dhow soo socdey uu u curyaamiyey adeegyadii kale ee muhiimka u ahaa dowladnimada Soomaaliya.

James Swan ayaa sheegey in kulanka la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka dalka.

Waxaa uu balan qaaday inay sii wadi doonaan xiriirrada ay la leeyihiin mas’uuliyiin muhiimka u ah hanaanka doorashooyinka Soomaaliya, kuwaasoo uu ka xusay Madaxweye Farmaajo, RWe Rooble, hoggaamiyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo dhinacyada kale ee siyaasada.

Swan ayaa dhinaca kale tilmaamay in khilaafaadyada hareeyay madaxda dowladda iyo maamul goboleedyaada ay dib u dhigi karaan howlo horumarineed oo dalka laga hirgalin lahaa, isagoo tala ahaan u soo jeediyay in mar kasta laga fikiro malsaxada shacabka.

Ugu danbeyntii waxa u uku goodiyay ineysan jiri doonin sabab ka hor-istaagi karta iney dalkan gaarsiiyaan doorasho, sidii horeba loogu balamay.

You might also like More from author