Danjire David Concar Somaliland Waa Gobal Ka Mid ah Soomaaliya Sidas Ayey Dowlada Ingiriiaku U aqoonsantahay

Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire David Concar ayaa ku yidhi wareysi ay BBC la yeelatay; “Sida dadka Soomaaliyeed ee badankiina ogsoontihiin, ma aqoonsanin dalal kale oo badana uma aqoonsana Somaliland inay tahay dal xor ah oo madaxbanaan. Laakiin waan la dhacsanahay, waanan taageersanahay annagoo samaynayna wixii awoodayada ah si aan xukuumadda Muqdisho ugu dhiirigelino inay maamulka Hargeysa la yeelato xidhiidh wax dhisaya, waxaanan rajaynaynaa inay xilli dhow ay ku wada shaqayn doonaan si walba oo ay intaan isaga sii dhowyihiin arrimo khuseeya dadka Soomaaliya iyo kuwa Somaliland sida waxbarashada, caafimaadka, hanaanka sirdoonka iyo wixii la mid ah, waxa jira arrimo badan oo wada hadal keliya aan ahayn laakiin ay si ficil ah iskaga kaashan karaan Somaliland-ta Hargeysa iyo xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.”

Xamarpost.com
Xafiiska Muqdisho
Email [email protected]

You might also like More from author