Danjiraha DFS u magacawday Hindia oo lagu soo dhaweeyay New Delhi.

Danjiraha cusub ee soomaaliya u magaacawday dalka Hindia Ambassador faduma c/llahi insaaniya ayaa gaartay magalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia ,halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyay diiran.

Qaar ka mid ah Madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya ,dublamaasiyiinta safarada Soomaalida iyo jaaliyada soomaaliyed ee dalkaasi,ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi.

Ambassador faduma c/llahi insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ka dib ayaa ka  mahadcelisay sida qiimaha leh ay usoo dhaweeyen  madaxda dalka Hindiya iyo dublamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed eek u sugan halkaasi.

Siihayaha safarada ahna Qunsulka Guud ee safarada Soomaaliya ee dalka Hindiya Axmed maxanuud maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradd iyo qorshaha wax qabad ee horyaalla.

Isha.SONNA.

You might also like More from author