Dalka Turkiga Oo Ka Hadlay Ciidanka Uu Utababaro Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhiga Ee Dalka Turkiga ayaa waxay sheegtay inay qalin jebiyeen Dufcad Cusub oo katirsan Ciidanka Milliteriga Somalia, kuwaasi oo tababar ku qaatay Gobalka Isparta ee Koonfur Galbeed ee ku yaalla Turkiga.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa waxaa lagu muujiyey inay soo dhaweynayaan Munaasabad lagu qabto Somalia oo lagu soo dhaweynayo Dufcadda 6-aad ee Ciidanka Lugta ee Milliteriga Soomaaliya kuwaasi oo dib ugu laabtay dalkooda.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa waxay kaloo sheegtay in Ciidanka dhameystay Tababarka Komaandooska Ee kusugnaa Xarunta Tababarka La-dagaalanka waxay ugu yeereen Argagixisadda oo ku taalla Gobalka Isparta ee K/galbeed Turkiga.

1-dii Bishan March, ilaa 300 Askar Somali ah ayaa dib ugu soo laabtay dalka, kadib, markii ay soo dhamaysteen tababar ay ku soo qaateen Turkiga.

Dawladda Federaalka  ayaa dhawaan Dalka Turkiga u dirtay boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor ah, kuwaasi oo loo qaaday tababar, isla markaana dowladda sheegtay in Ciidankaas markii tababarkood soo dhameystaan dib loogu soo celinayo dalka.

You might also like More from author