Dagaal toos ah oo ka socda Duleedka Kismaayo & Ciidamo Cadaan ah oo weerar lagu qaaday

Wararka ka imaanaya degaanka Buulo gaduud oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen degaankaasi,islamarkaana ay kula dagaalamayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Caddaan ah.

Degaanka Buulo Gaduud ayaa dhawaan Al-Shabaab waxa ay ku qaadeen Weerar Khasaare badan dhaliyay.

Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa wali ka hadlin dagaalka ka socda duleedka Kismaayo.

You might also like More from author