Dagaal Khasaaro geystay Oo Maanta ka Dhacay Gobolka Sanaag

Dagaalkaani oo udhaxeeyey Labo beelood ayaa maanta ku dhexmaray Deegaanka Shidan oo Hoostaga Gobolka Sanaag.

Iskahorimaadka ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac sida la sheegayna labada dhinac ayaa waxyeelada ay soo kala gaartay.

Dad kusugan Deegaanka lagu dagaalamay oo hoos yimaada Degmada Laas Qoray ayaa sheegay in xaalada ay duhurnimadii ay degganaashiyo noqotay.

Beelaha dirirta dhexmaray ayaa sheegay inay mid walbo eeda in lagu soo hujuumay,waxaana hadda socda dedaal lagu doonayo xal ka gaarista dirirtaasi.

Qiyaastii 30 KM ayey ujirtaa Magaalada Laas Qoray Deegaanka Maanta lagu dagaalamay.

You might also like More from author