Dagaal ka dhacay Maanta Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Warar naga soo gaaraya Madaarka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta barqadii uu gacan ka hadal halkaasi ku dhexmaray Ciidamada NISA iyo Ilaalada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa bur bur uu gaaray muraayadihii Terminaalka,Kala carar ayaa dhacay iyadoo dhowr qof ay waxyeelo dhaawac soo gaareen.

Ciidamada NISA ayaa xoog ku doonayey inay ku gudbisadaan shakhsiyaad ay wateen oo diyaarad inay raacaan la rabay balse Qeybta Socdaalka garoonka ayaa diiday.

Isku dhacaasi ayaana meesha ka dhacay,Shaqadii garoonka ayaa istaagtay iyadoo Diyaarada Turkish Airlines ay hakisey duulimaad ay sameyn rabtay.

Qal qal amni ayaa ka dhashay garoonka howshiisa,iyadoo Agaasimaha Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ay ku baxeen arintaasi.

Faah faahinada hordhaca ah ayaa sheegaya in xiisadaasi weli ay taagan tahay,islamarkaana ciidamada is fara saaray ay weli xiisadooda taagan tahay.

NAGA FILO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAAH

You might also like More from author