Dagaal ka dhacay maanta Duleedka Beled xaawo Ee Gobolka Gedo

Dagaal udhaxeeyey Ciidamada dawlada iyo kuwa Al Shababa ayaa ka dhacay Degmada Beled xaawo meel duleedka ka ah.

Waxa uu ka dambeeyey dagaalkaan markii ciidamada meliteriga ay weerar kuqaadeen sida lasheegay Fariisin Al Shabaab kusugnaayeen Deegaanka Caro cade Ee Ku dhaw Buula xaawo.

Dagaal la isku adeegsaday hubka kala duwan ayaana halkaasi ka dhacay,iyadoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil katirsan ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay khasaaro ku gaarsiiyeen Saldhig Al Shabaab lacagaha uga qaadaan Gaadiidka usocda Beled xaawo oo ku yaalla Tuulada caro case.

Faah faahino ka madax banaan lama hayo oo ku aadan dhinacyada dagaalamay,iyadoo markii dambe xabadu iskeed u istaagtay.

Dhowr jeer hore ayaa sidaan oo kale dagaal uu dhexmaray ciidamada Dawlada iyo kuwa Al Shabaab kusugan Deegaanada Gobolka Gedo katirsan.

You might also like More from author