Dagaal ka dhacay Duleedka Magaaladda Dhuusamareeb

Kooxo maleeshiyaad ah ayaa sakay dil ka geystay  deegaanka Miiracad hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Maleeshiyada hubeysan oo goobta ka baxsaday ayaa toogasho ku dilay nin shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan agagaarka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sidoo kale dilkaan ayaa daba socda dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka Qalaanqalle oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo lagu dilay illaa shan ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale oo isugu jira dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamay.

Inta badan gobollada Mudug iyo Galgaduud waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo ku wada sugan gobollladaasi.

You might also like More from author