Dagaal culus oo ka socda deegaanka Af-urur

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa waaberigii saaka weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland, waxaana weerarka uu ku billowday hoobiyeyaal iyo hubka fudud.

Waxaa lagu soo warramayaa in uu waagu isugu baryay ciidamada kooxdii weerarka ku qaadday iyo kuwa Puntland.

Goobjooge ku sugan tuulada Af urur ayaa sheegay in dagaalku uu wali ka socdo hadda meel u dhow tuulada Af-urur.

Majiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidanka Puntalnd iyo dagaalamayaasha Shabaab.

Ma aha markii ugu horreeyay ee Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, islamarkaana ay muddo kooban kula wreegeen deegaanka.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco Insha Allah.

You might also like More from author