Dagaal culus oo ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.
Iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo koox hubeysan oo wata gadiid dagaal, ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha,Dagmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Rasaas xoogan oo u dhaxeeyso labada dhinac ayeey dadka degaanka ahi maqlayeen, waxaana ilaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Dagaalka ayaa sababay barakac xoogan Sida uu sheegay mid kamid ah dadka degaanka.