Dagaal beleed ka socda Gobolka Sanaag

Ugu yaraan 20 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen kaddib dagaal beeleed saacadihii la soo dhaafay ka socday Gobolka Sanaag.

Dagaalka u dhaxeeya labada Malleeshiyo beeleed oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa aad u xoogeystay Isniintii shalay ahayd.

Waxaa uu ku fiday degaanno hoostaga degmada Ceel Afweyn oo ay isku hayaan beelaha halkaas wadadega.

Labada Beelood ee dagaallamaya ayaa dhowr jeer loo qabtay shir dib u heshiisiin ah,waxaa ay kala qaateen magta dadkii ay horay u kala dileen waxaana ay isu celiyeen Hubkii ay kala furteen inta ay dagaallamayeen.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa la sheegayaa in ay helaan gurmad ciidan iyo hub isugu jira iyada oo ilaa hadda aysan jirin cid isku dayday in ay kala dhexgasho dhinacyada dagaallamay.

Dagaalkan ayaa saameynta ugu badan ku yeeshay dadka xoola dhaqadatada ah ee ku nool baadiyaha Ceel Afweyn kuwaas oo Barakac billaabay.

You might also like More from author