Dagaaal culus oo ka dhacay duleedka Magalada Marka

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo duleedka Magalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay, kadib markii Ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan Guutada 14-ka Octooper ay weerareen deegaanka Jilib Marka,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Agaasimaha Fanka iyo Suugaanta ee Maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la filayo in uu dhawaan tago Magalada Marka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay iyaga weerarka ku qaadeen deegaanka Jilib Marka oo ay Shabaab ku sugnaayeen,isla markaana howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 Ruux ayaa la sheegay in dagaalkaas duleedka Marka ku dhexmaray Ciidamada Dowladda & Ururka Al-Shabaab ay ku geerioyoodeen tira kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo u badan dhinacyada dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka heleymo Magalada Marka iyo duleedkeeda ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinayo.

You might also like More from author