Dad ku dhintay Kaawo kusoo duntay Gobolka Shabeellada Hoose

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii ay ku duntay dhul ay Carrada Kaawada ka qodoyeen oo ku yaal deegaanka Nambar 50 oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Dadkan ku waxyeeloobay dhacdadan ayaa ku howlana in ay soo saaraan Kaawada oo ah carro lagu dhiso guryaha, taasi oo ugu dambeyn keentay in ay ku soo go’do.

Dad ku sugnaa Goobta ayaa gurmad u sameeyay dadka waxyeelada soo gaartay, iyada oo dhaawaca loo qaaday Isbitaallada ku yaalla degmada Afgooye.

You might also like More from author