Dad ku dhaawacmay duqeyn ka dhacday Muqdisho

Ugu yaraan 7 Madfac ayaa la sheegayaa in ay ku dhaceen Xaafado ka mid ah Degmad warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan Lix Qof oo isku Qoys ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen duqeynta Hoobiyayaasha ah kaddib markii Gurigooda uu ku dhacay  mid ka mid ah madaafiicdii la tuuray.

Dhaawaca dadkaas ayaa Bajaaj looga bixiyay Xaafadda Cali Kamiin,halkaas oo la geeyay Isbitaal degaanka ah si dhaawacyadooda loo dabiibo

Dadka degaanka ayaa sheegay in Madaafiic gaareysa 7 lagu riday agagaarka Garoonka Stadium Muqdisho,Xarunta Xisbiga, Xerada Cuuriyaamiinta ee Magaalada Muqdisho.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen Madaafiicda sidoo kalena ay xigtay rasaas ay rideen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xarunta Xisbiga ee Muqdisho waa taliska Ciidamada xasilinta Muqdisho halkaas oo uu xalay Ra’isalwasaare Kheyre ku soo bandhigay Ciidamada  Xasilinta ee Bisha Ramadaan sugaya amniga Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author