Dad Careysan oo carqaladeeyay Khubad uu Ra’islawasaare Kheyre ka jeediyay Virginia

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waqooyiga Mareykanka kula kulmay Jalaiyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Virginia,halkaas oo uu kala hadlayay.

Kulanka Jaaliyadda iyo Ra’islawasaaraha ayaa waxaa uu ku saabsanaa in Ra’isalwasaaraha Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaas la wadaago halka ay mareyso xaaladda Soomaaliya.

Ra’islawasaraha ayaa sheegay in waddanaka uu ka wanaagsanyahay sidii hore islamarkaana la gaaray guulo muhiim ah oo ay ka mid tahay amniga iyo dhaqaalaha.

Waxaa uu jaaliyadda ugu baaqay in ay ka qeybqaataan Horumarka Dalka,isaga oo sidoo kale ku canaanta Soomaalida dhaliilsan dowladda in haddii aysan horumarka ka qeyb qaadaneyn kaliya dhibka ka daayaan sida uu hadalka u dhigay.

Intii ay socotay Khubadda Ra’isalwasaaraha ayaa waxaa hoolka galay labo Qof oo ka careysnaa Go’aanka dowladda Soomaaliya ku wareejisay C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Labada Qof ee hoolka galay ayaa kor u qeyliyay waxaana ay sababtay in hadalka ra’islawasaaraha istaago islamarkaan dadkii Ra’isalwasaaraha dhegeysanayay ku xoomaan labada qof iyada oo markii dambe laga saaray hoolka halkaasna uu khidbaddiisa ka sii watay.

Dad ka careysan dhiibista Qalbi-dhagax ayaa banaanbax ka dhigay banaanka hoolka uu Khubadda ka jeedinayay Ra’islawasaaraha,waxaana sidoo kale Ra’islawasaare Kheyre baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa Gobolka ay Soomaaliya ku badan tahay ee Manisotta,halkaas oo dad diidday dowladda ay banaanbax isaga ka dhan ah qaban qaabinayeen.

You might also like More from author