Dacwad loo gudbiyey Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland

Xildhibaanno katirsan golaha deegaanka Buurtinle, oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas, ayaa dacwad ka gudbiyay guddoomiyaha degmada Buurtinle.

Xildhibaannada ayaa warqad ay u gudbiyeen wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ku sheegay, in guddoomiyaha degmada aysan ka helin wax wada-shaqayn ah, islamarkaana talooyin badan oo ay u jeediyeen, uu dheg jalaq u siin waayay.

Xubnahaan ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha gudaha ka dalbaday, in ay u furto kal-fadhiga golaha degaanka, oo sida ay sheegeen mudda saddex bilood ah dhaafay mudadii lagu qaban jiray fadhigaas.

Golaha deegaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, ayaa waayadan dambe waxa ka aloosnaa muran iyo jaahwareer ku saabsan shaqada maamulka degmada.

20

You might also like More from author