Dabley Hubeysan iyo Ciidamada Dowlada oo Suuqbacaad ku dhexmartay Israsaaseyn.

Ciidamada Booliska Degamada Yaaqshiid ayaa israsaaseyn ay ku dhexmartay  gudaha Suuqa weyn ee SuuqBacaad ee Magaalada Muqdishu.

Dableyda oo ku hubeysnaa Bastoolada oo tira ahaan dhan Labo ayaa diiday in ay isku dhiibaan ciidanka Booliska ee ku sugan SuuqBacaad.

Ciidamada ayaa waxaa u suurta gashay in ay Gacanta ku dhigaan Dableyda labada ah ee ku hubeysnaa Bastooladaha .

Saldhiga Ciidanka Booliska Horseed ee Degamada Yaaqshiid ayaa lagu xiray labada Dableyda  ah ee gacanta lagu dhigay.

Ciidamada ayaan wax faafaahin  ah ka bixin shaqaaqada dhexmartay iyaga iyo Labada nin ee Hubeysanaa.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta Xamar Post u sheegay in ay ciidanka ay ku amreyn Labada dableyda ah in ay Hubka dhigaan oo ay isasoo dhiibaan inkastoo dableydu ay ku jawaabeyn Rasaas.

BY MOHAMED YAHYE JIINOW

You might also like More from author