Dab ka kacay Markab Dalka Iiraan laga leeyahay oo marayey…

Sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Faaris waxaa dab uu qabsaday mid ka mid ah Maraakiibta Dalka Iiraan laga leeyahay.

Markabkaan oo maalmo ka hor ubaxay taageero siinta Markab kale oo qalibmay ayaa mar keliya la sheegay inuu dab ka kacay.

Weli faah faahino lagama helin khasaaraha ka dhashay dabka iyo waxa sababay inuu ka bilowdo markii hore.

Warsidaha FAARIS ee Iiraan laga leeyahay ayaa daabacay in Talaadadii gelinkii dambe shalay uu dabka ka kacay markabka xilli uu marayey gacanka Beershiya.

Warar ayaa sheegaya in markabkaasi uu ahaa nuuca gujiska loo yaqaano ee biyaha quusa inkastoo taliska ciidamada Badda Iiraan weli war kasoo saarin shilkaasi dhacay.

You might also like More from author