DAAWO VIDEO: Aamino Muuse Wehliye oo Shan Maalmood u Qabatay Farmaajo & Kheyre

Aamino Muuse Wehliye oo ka mid ah Saxafiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaa si weyn kaga carootay falkii dowlada Soomaaliya ay ku dhiibtay Qalbi Dhagax.

Shacabka Soomaaliyeed oo leh Aqoonyahan, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo Siyaasi ayaa ka wada dhiidhiyay Falkii Itoobiya loogu gacan galiyay Qalbi Dhagax oo mudo aad u fog la dagaalamayay Itoobiya.

Aamino Muuse Wrhliye oo taariikho badan soo bandhigay ayaa waxay sheegtay sababta Al shabaab ay abuurmeen inay tahay Mashaa’iikhda oo la dhiibi jiray hadii hadana Halgamayaasha la dhiibo waxay abuuri kartaa xaalad kale oo laga shalaayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre waxay u qabatay Mudo shyan maalmood inay kaga soo jawaabaan sida uu u dhacay Afduubkii Itoobiya loogu gacan galiyay Qalbi dhagax.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO AAMINO OO XOG BADAN SOO BANDHIGTAY

You might also like More from author