DAAWO SAWIRRO:- Dab Khasaaro geystay oo ka kacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

Wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dab uu ka kacay Guri ku yaala degmadaasi, waxaana dabkaas uu geestay khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

Wariye ku sugan goobta uu dabka ka kacay ayaa soo sheegaya in debkaan uu ka kacay Guri ka agdhaw Xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee degmadaasi Wadajir, isla markaana ay ku geeroyootay oqf haweeney ah oo Gurigaas deganeyd.

Sidoo kale debka ayaa sababay khasaaro hantiyeed,waxana  Goobta gaaray Gawaarida dab demiska gobolka Banaadir kuwas oo ku guulestay in ay  demiyan debkaas.

You might also like More from author