Daawo:-Qaban qaabadii ugu dambeysay oo ka socota Magalada Cadaado

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in gelinka dambe ee Maanta oo Arbaco ah ay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga oo haatan ku sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Wasiiro,waxaana ay qeyb ka noqon doona wafdi kale oo ka tirsan Dowladda,kuwaas oo ku sugan Magaalada Cadaado.

Magalada Cadaado ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,waxana inta badan Magalada lagu xardhay sawirka Ra’iisul Wasaaraha.

You might also like More from author