Daawo Qaabka qaraxa uu u dhacay+Akhriso Faahfaahintii ugu dambeysay

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel aan sidaasi uga fogeyn Xaaji Baasto ee Wadada Maka Al-mukarama.

Sida dad goob joogayaal ah inoo sheegeen,ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa wadada xiray dadkana u diiday iney adeegsadaan ka hor inta uusan Qaraxa dhicin.

Arintaasi ayaa sababtay iney yareyso qasaaraha Qaraxa,waxaana ilaa iyo hadda la sheegin cid wax ku noqotay marka laga reebo bur bur soo gaaray dhismaha ganacsiga ee goobta ku agdhow.

Xilliyada galbihii, ayaa waxaa aad u camiran goobaha ganacsi ee ku yaala Wadada Maka Al Mukarama, iyadoona dadkii galabta wadadaasi dhoobnaa ay qaraxaasi ku kala yaaceen.

You might also like More from author