DAAWO: Banaanbaxii xooganaa oo wali socda & Farmaajo oo Hal shardi lagu xiray

Banaanbaxayaal ka careysan dadkii shalay lagu dilay deegaanka Bariire ayaa maanta xiray wadada isku xirta Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ka mid yihiin doonimeyno xasuuq,iyo in ay aad uga xun yihiin falkii lagu dilay 10 ruux oo beeraley reer Bariire ahaa.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay sheegeen in ay banaanbaxa wadi doonaan ilaa madaxda dowladda Soomaaliya ay jawaab ka bixiyaan falkaas.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa Wadada dhexdeeda ku gubaya taayaro,kuwaas oo xiray Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

You might also like More from author