DAAWO: Al-Shabaab oo soo bandhigay Sawirrada weerarkii ay ka geesteen deegaanka Golweyn.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay Baahiyay Sawirrada weerarkii ay mdo lga joogo wax kabadan bil ay ku qaadeen Ciidamada Uganda ee ku sugnaa deegaanka Golweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose weerarkaas oo ay ku dhinteen Ciidan badan oo u dhashay Dalka Uganda.

Weerarkii degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhacay Bishii July ee Sanadkaan Waxaana ay al-shabaab sheegeen in ay ku dileen 39 Askari oo u dhashay dalka Uganda, Dowladda Uganda oo ka hadashayna waxa ay Xaqiijisay in weerarkaas looga dilay 12 ka mid ah Ciidankeeda.

Sawirradda ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa waxaa ka muuqday Gawaari ka mid ah kuwa AMISOM.

You might also like More from author