Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo tababar looga furay dugsiga Xorgoble Qardho.

Waxaa dugsiga Xorgoble tababar looga furay cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo 2dii sano ee lasoo dhaafay ka shaqaynayay Amniga gobolada Puntland, si gaar ah Gobolada Bari, Sanaag, Nugaal iyo Mudug.

Ciidamadaan ayaa mudada ay ku jiraan dugsiga Xorgoble waxaa lasiin doonaa tababaro guud iyo kuwa khaas ah oo la xiriira, habka baarista iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah Amniga, Ogaanshaha xuuraanka iyo xogta dhagaraha ay qorsheeyaan cidkasta oo amniga Puntland doonaysa in ay khalkhal gelinaysa.

Ciidaankaan oo horay tababar kala duwan u qaatay ayay markaan dawladu doonaysaa in si gaar ah loo diyaariyo, waxaa loo samayn doonaa mudada ay tababarka ku jiraa dhiiri-gelin, dalacsiin iyo abaal-marin ay cidkasta ku mutaysanayso siday dalka ugu shaqaysay.

Daahfurka tababarkaan waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan, Taliyaha Booliska Gobolka Karkaar G/Sare Faarax Nuur Islaan, Duqa degmada Qardho Maxamed Buraale, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qardho Cali Axmed Saciid.

Dhanka Ciidanka difaaca dawlada Puntland Waxa joogay Taliska Guud ee ciidamada difaaca Dawlada Puntland xubno ka tirsan oo ay ka mid Taliyaha Ciidamada Silsilada G/Sare Saciid Nuur Shire, Taliye Qoolaali, Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka karkaar G/Sare Saciid Bakalay, Taliyaha Dugsiga Xorgoble Burhaan Caanood, Macalimiinta dugsiga iyo hawl-wadeenada.

You might also like More from author