Cumar Cabdirashiid oo si kulul ugu hadlay sida ay u socdaan doorashooyinka

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Mucaaradka Soomaaliya.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul ugu hadlay boobka la sheegay in lagu hayo doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka dederaalka soomaaliya, isagoona si adag u cambaareeyay hanaanka ay ku socoto doorashada dalka.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu sheegay in uu Muqdisho u imaaday wada-tashiyo ku saabsan Arrimaha doorashada si loo hagaajiyo nidaamka doorashada oo uu ku tilmaamay mid qaldan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu ku biiri doono shirarka ay leeyihiin midowga musharixiinta mucaaradka.

You might also like More from author