Cumar Cabdirashiid “Haddii aan la helin cid dalka badbaadisa waxaa uu u gacan geli doona dad aan dan ka lahayn”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa waxaa uu ka hadlay marxalada uu dalka ku jiro, waxaa uu sheegay in Dalka uu u baahan yahay in loo baahan yahay Dad Soomaaliyeed oo u istaaga badbaadinta dalka, haddii aan la helina waxaa uu xusay in Dalka uu geli karo gacanta Dad aan Dan ka laheyn.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in muhiim ay tahay in la helo Dad ka saara dhibaatooyinka culus uu wajahayo dalka si gaar ah Dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo nidaam ahaan.

“Qofka waa in lagu qiimiyaa kartidiisa, sida uu dadka isugu heyn karo, lana falgeli karo dabaylaha dunida ka socda ee xaaladaha qasan, Dalka haddii aan maanta la isugu tagin inta miirka qabta waxa uu u gacan galayaa Dad aan dan ka lahayn oo wixii loosoo maray waxa ay noqonayaan macno darro” sidaa ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Isagoo hadalkiisa sii wata Cumar Cabdirashiid waxaa uu yiri “Dad aan lahayn dhabar mas’uuliyad lagu qaado ayuu waddanka u gacan galay oo meesha aynu taaganahay ayay na gaarsiiyeen, waa in shaqsiga uu yaqaanaa Cidda berri aad hiilada uga baahan tahay, Khibraddu wax sahlan ma aha”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ka hadlayay howlaha shaqo ee Hay’addaha Dowladda ayaa carabka ku dhuftay in gaabis uu ku jiro shaqada ay Umadda Soomaaliyeed u hayaan islamarkaana ay ka dhexjirto isku xirnaan la,aan, Isagoo tusaale usoo qaatay dhanka Ciidamada oo uu ka xusay in ciidamada lagu hagi waayay dhabbaha sharciga ah balse loo adeegsaday Dano gaar ah oo siyaasadeed.

“Meeshaan sideedaba nacamleyn, qof iyo hooskiisa Dowladnimo kuma dhisanto, Madaxweynihii ku fakiraa in uu keensado Ra’iisul Wasaare ka hooseeya waa Madaxweyne ku talagalay in uusan meel gaarin Dalkaan, Ra’iisul Wasaaraha waa in uu yahay qof Energy iyo Khibrad haya oo Leh awood maamul”  sidaas ayuu yiri CCC Sharma’arke.

You might also like More from author