Ciidankii C/rashiid Janan hoostagayey oo maanta aqbalay in…

Waxaa xal laga gaaray sida xogaha ay sheegayaan khilaaf ka dhex jiray Ciidamada hoostagayey C/rashiid janan iyo saraakiisha Xoogga Dalka.

Askartaan ayaa ka mid ahaa ilaaladii Janan hayeeshee bishii maarso 24-keedii markii uu la heshiiyey Dawlada Federaalka kana tanaasulay dagaalkii uu Gedo ka waday ayey ciidanka ka fiirsanayeen ku biirista SNA.

Wafdi saraakiil katirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Dooloow maalmahaan ujoogay xal ka gaarista arinta Ciidankii Janan hoos tagayey oo shuruudo ku xiray inay Dawlada ku biiraan.

Hadaba Askarta Janan la shaqeyn jiray ayaa loo kala qeybiyey ciidamada kusugan degmooyinka Balad-Xaawo, Dolow iyo Luuq, Sidoo kale waxaa ay xubno laga siyey hogaanka Ciidamada sida  Taliyeyaasha Nabasugida, Taliyaha degmada Balad-Xaawo, Taliye Ku-xigeenka Degmada Luuq iyo Taliye Ku-xigeenka howalgalinta Gobalka Gedo ee Nabadsugida.

You might also like More from author