Ciidanka Jubbaland oo howlgalo kawada Degmada Afmadow.

Ciidanka Amaanka Dowlad Goboleed Jubbaland ayaa saaka howl galo ka wada degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Laamaha Ammaanka Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa halkaasi ka wada howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada iyo deegaanada Hoos yimaada Afmadow.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing

Howlgalkaan oo ay si wada jir ah u wadaan Ciidamada Booliiska,Daraawiishta iyo Nabad Sugidda Jubbaland ayaa taliyaha Booliska Afmadow in looga golleeyahay sidii Al shabaab looga saari lahaa deegaanada hoos yimaada degmada Afmadow.

Image may contain: 6 people, people standing

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Degmada Afmadow Gaanshaalle Mahad Maxamed Islaam ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in howl galladii ugu danbeeyay lagu soo qab qabtay dad lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Alshabaab,waxa uuna intaa ku daray in haatan baaritaan lagu hayo kiisaskooda.

Image may contain: 1 person, outdoor

Dadka deegaanka Afmadow ayaa sheegay in ay ku waabariisteen Ciidanka Jubbaland oo howl galo guri guri lagu baarayo ay saaka ku soo tooseen.

Image may contain: 1 person, smiling, standing, child and outdoor

You might also like More from author