Ciidanka Itoobiya Qeybta AMISOM Oo iskaga baxay Magaalada B/weyne

AMISOM ayaa munaasibad sagootin ah u sameysay Ciidamo ka socday Waddanka Itoobiya oo dhameystay howlgalkoodii Soomaaliya.

Munaasibadda oo ka dhacday Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyayaasha AMISOM ee qeybta 4aad iyo saraakiil ka socotay Ciidamada Soomaalida.

Taliyaha qeybta 4aad ee AMISOM C/Raxmaan Riyaale Xareed oo U dhashay Waddanka Jabuuti ayaa bogaadiyay kaalinta Ciidamada Itoobiya ay ka qaateen sugidda amniga qeybta 4aad ee AMISOM iyaga oo kaashanayay Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Saddexda Ciidan oo iskaashanaya ay si wanaagsan u guteen waajibaadkooda islamarkaana kaalin muhiim ah ka qaateen sidii qeybta 4aad ee AMISOM amnigeeda loo sugi lahaa.

Mekonen Wudneh, oo ah Taliye Xigeenka Qeybta 4aad sidoo kalena ah Taloiyaha Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya ayaa dhankiisa u hambalyeeyay Ciidamada Billadaha ka helay AMISOM ee dhameystay waajibkooda shaqo.

Waxaa uu xusay in Ciidamada Itoobiya aysan guushaas gaari lahayn haddii aysan ku garabsiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ka socda Waddanka Jabuuti ee ay iska kaashanayeen howlgallada ka dhanka ah AL shabaab.

Itoobiya waxaa ay ka mid tahay shan dal oo ay Ciidamo Milatari ah ka joogaan Soomaaliya waxaana soo raaca Kenya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi.

You might also like More from author