Ciidanka Dowladda oo saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka ay saaka  hakaasi ka wadaan Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan in ay gaaraan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa ayaa shalay waxa ay sheegeen in ay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dad ku sugan deegaanka tooratoorow ay sheegeen in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Dadka shacabka ah ee nool deegaanka Tooratoow iyo deegaanada hoos yimaada ayaa sheegay in ay ka Cabsi qabaan dagaalo ka dhaca tuulooyinka ay ku nool yihiin maadaama ay halkaasi ka socdaan dhaq dhaqaayo ciidan.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa saakay waxaa ay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan duleedka degmada Awdheegle oo maalin ka hor Al-Shabaab ay kusoo qaadeen weerar qaraxyo ku bilaawday.

Wararka ayaa intaasi ku darayaan in badi dadka ku nool deegaanada hoos yimaada Awdhiigle ay bilaabeen barakac, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada Dowladda  iyo Al-Shabaab.

Maalin ka hor ayay aheed markii Ciidamo ka tirsan Al shabaab ay weerar ismiidaamin iyo toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Xoogga dalka ee Degmada Awdhiigle ee Shabeellaha Hoose kaasi oo dhaliyay Khaare soo kala gaaray laba dhinac.

You might also like More from author